XOG: Xasan Sheekh oo ka carroody fariin cusub oo kaga timid xildhibaannada mooshinka wada.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu si aad ah uga carooday fariin cusub oo uga timid dhanka Xildhibaanada uu ku dhex leeyahay BF.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Xildhibaanadaasi ay Madaxweyne Xassan u gudbiyeen in tirada Xildhibaanada ku biiray Mooshinka socda ay sii korortay kadib markii Mooshin hogaamiyayaasha ay ku dhex milmeen Xildhibaanada.

Ilaa iyo Sagaal Xildhibaan ayaa la soo warinayaa inay ku biiren Mooshinka laga geeyay Madaxweyne Xassan kuwaasi oo Seddex kamid ah saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Xassan.

Madaxweyne Xassan oo ku howlan xalinta Mooshinkaasi ayaa waxaa hadana gaaray fariimo ah inay sii kordhayaan Mooshin wadayaasha waana tan keentay in Xassan uu furka ku tuurto Xildhibaano tiro ah oo uu u xilsaaray inay xaliyaan Mooshinka ka hor inta aan la gaarin xiliga la horgeyn lahaa BF.

Madaxweyne Xassan ayaa aad uga walaacsan fariinta kaga timid dhanka mudanayaasha taageersan waxa uuna iminka ku dhiiranayaa inuu waxbadan ka bedelo nidaamka socda, waxaana suuragal ah inuu gacanta la galo Mooshinka si loo kala yareeyo tirada.

Dadka falanqeeya Siyaasada ayaa Mooshinkaani ku tilmaamay kii uu ku dhici lahaa Madaxweyne Xassan waxa ayna qabaan in Mooshinka ay dhaqaale adag ku bixinayaan wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia oo iyagu aan xiligaani ku raali aheyn in Xassan uu sii haayo xilka.

Lama saadaalinkaro natiijooyinka ka dhalankara Mooshinka inkastoo Madaxweyne Xassan uu xiligaani yahay shaqsi mooraalkiisu hooseeyo, bacdamaa uu garbo belay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com