“Haddii aan sidaan AXMED Madoobe faraha uga qaadno Soomaaliya taariikh ayaa ka dhici donta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay isa soo tareyso tirada Xildhibaano ee kasoo horjeeda doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa hadana arrinkaasi si faahfaahsan uga hadlay Xildhibaano iyo aqoonyahaano hor leh.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Mudanayaasha sida ba’an kaga soo horjeeda Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in maanka uusan aqbali Karin in Hogaamiyihii Jubbaland uu mar kale si sharci darro ah uu isku doortay.

Wuxuu sheegay Sababta Sharcidarada ay doorashada u tahay Xildhibaanada wax doortay oo horay Baarlamaanka Dhexe ee dalka ay u kala direen.

“Baarlamaanka Jubbaland ee Axmed Madoobe doortay iyaga ayaan sharci aheyn maxay doortaan Madaxweyne,marka waxaan soo jeedin lahaa in aan la qaldin dadka Nabada iyo Hormarka iyo Dowladnimada Jecel ee Jubbooyinka ku nool.”

Jeesow iyo Siyaasiyiin kale ayaa doorashadaasi waxa ay ku tilmaameen mid aanan loo dhameyn maadaama Beelaha qaar ee Goboladaasi dega aysan ku qanacsaneyn hanaanka doorashada ay u dhacday.

Sidoo kale Cabdulqaadir Muuse oo kamid ah aqoonyahaanada Soomaaliyeed ee ku takhasusay Siyaasada ayaa sheegay in doorasho ceynkaasi ah aysan horay uga dhicin gayiga Somalia waxa uuna tilmaamay hadii aan arrinka noocaasi ah wax laga qaban Somalia ay cagta la gali doonto Jawi aan qoraal lagu saadaalinkarin.

Aqoonyahaanka waxa uu carabaabay in Somalia ay ka guureyso nidaamkii lagu yaqiinay Dowladnimada islamarkaana dalka uu yahay mid kala go’ go’an cid walibana ay dhul calaameysatay, taasina ay sii fogeyneyso qaranimada.

Dhanka kale, waxa uu ka digay jiljilcanaanta DF Somalia oo sababi karta in Somalia ay kusii kala fogaato, waa haddii aysan Dowladu qaadin tallaabo munaasab ku ah Maamulada ku dhaqaaqaya wixii maankooda ay ka maagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com