AFGAAB oo kamid noqday dadkii ku dhintay dagaalka magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa dib u qarxay saaka aroortii hore, kadib markii ay ciidamada Somaliland isku dayeen inay gudaha u galaan magaaladaasi, waxaana ka hortegay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Dadka ku dhintay dagaalka waxaa kamid ah Maxamuud Cali Xirsi Cartan Boos (Afgaab) oo kamid ahaa dadka deegaanka ee muddada dheer kasoo horjeeda Somaliland.

Afgaab ayaa sidoo kale ka tirsanaa sarakiisha Jabahadda SSC ee dagaalka kula jirtay ciidamada Somaliland, wuxuuna dhowaan ku laabtay magaalada Laascaanood oo ah halka maanta lagu dilay, kadib dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 7 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 18 kale, sida uu shaaciyay maamulka isbitaalka Laascaanood.

“Saaka ayaa xabaddu bilaabatay weli waa ay dhaceysaa isbitaalka waxaa soo gaaray 18 dhaawac ah iyo 7 dhimasho ah,” ayuu yiri agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka dhaawacmay ay u badan yihiin dad shacab ah, isla-markaana ay ku jiraan caruur iyo haween, sida uu sheegay agaasimuhu.

‘Dhaawacyada waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimuhu.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogleh laga dareemayaa magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland ay soo saaraan waxgaradka SSC ee haatan ku shirsan gudaha Laascaanood.