SSC oo ku dhawaaqday inay hoostagto DF Soomaaliya

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maalmahaan shir ku lahaa Laascaanood ayaa maanta kasoo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob kaas oo ay ku shaaciyeen go’aano culus oo ka dhan ah Somaliland.

Ugu horreyn waxgaradka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay Somaliland in muddo ka badan 15 sanno ay xasuuq ay ku tilmaameen isir sifeyn ka waday magaalada Laascaanood.

Isimada ayaa ku dhawaaqay in aysan kamid aheyn Somaliland, isla-markaana aysan wax heshiis kula gelin in la kala gooyo dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-murtiyeedla.

“Waxaan cadeyneynaa in aanan si naba uga mid aheyn Somaliland, wax heshiis ahna aana kula gelin kala goynta dalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale war-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in dadka reer Khaatumo ay ka mid yihiin dhul weynaha Soomaaliyeed, ayna u taagan yihiin midnimada iyo wadajira Soomaaliya.

“Degaanada SSC-Khaatumo dad iyo dalba waxay kamid yihiin dhulweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana astaan u taagan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed,” ayaa markale lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxa kale lagu cadeeyay go’aankan in inta laga dhameystirayo aayo-katalinta maamulka SSC ay toos u hoos tagi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale isimada ayaa jawaab culus ka bixiyay eedaha uga imaanaya Somaliland oo horay ugu tilmaamtay inay yihiin argagixiso, taas oo ay ganafka ku dhufteen.

“Waxaa cadeyneynaa in aanan aheyn argagixiso degaankayagana aanay joogin argagixiso,” ayaa la raaciyay qoraalka.

Ugu dambeyn waxaa shirka laga soo saaray baaq guud oo loo diray Somaliland, kaas oo ku aadan in ciidamadeeda ay kala baxdo deegaanada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.