Afhayeenka Baarlamanka Somalia oo maanta qoddob uu jabiyay lagu qaaday

Muqdisho(Caasimada Online) Fadhi maanta oo Axad ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uu ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari qoddob uu jabiyay oo ku qoran dastuurka lagu qaaday.

Qoddobka uu jabiyay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxa uu ahaa qoddobka 94-aad ee dastuurka qaranka, kaasoo dhigaya in hadduu uu dalka ka maqan yahay madaxwaynaha Soomaaliya ama ay xaalad caafimaad la soo daristo in xilka ugu sareeya dowladda uu qaban karo guddoomiyaha baarlamaanka.

Cumar Islow Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo qoddobkaas ka hor akhriyay fadhiga maanta oo uu soo xaadiray guddoomiyaha baarlamanka, ayaa marki dambe wuxuu kursiga ka istaagay Jawaari, iyadoona uu kulanka shir guddoomiyay wixii xilligaas ka dambeeyay guddoomiye ku-xigeenka koobaad Jeylaani Nuur Iikar.

Markii qoddobaadkaas loo sheegay guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuu ka kacay fadhiga maanta baarlamaanka, waana lagu hooriyay iyadoo uu howlka is-qabsaday sacab iyo sawaxan aad u badan.

Kulankii maanta oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda iyo qorsheenta Maxamuud Suleymaan Xasan , ayaa markii dambe waxa la dhageestay guddiyo uu baarlamaanka u xil saaray in ay ka soo talla bixiyaan miisaaniyadda ay ku shaqayn doonto dowladda sannadka soo socda ee 2013-ka.

Guddoomiyaha ayaa fadhiga isaga baxay, waxana uu muuqday mid ku faraxsan , waana uu dhoola cadeenaayay markii uu fadhiga ka baxayay.

Waa qoddobkii ugu horreyay ee lagu fuliyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo markaas ah hoggaanka baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo is-daba joog ah maalmahan ku leh Muqdisho, waxana maalinta berri ah ay ka dooddi doonaan miisaaniyadda ay soo bandhigtay dowladda Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa dhawaan fasax labo bil qaadan doono marka uu dhammaado shaqada hadda hortaala oo ay ka mid yihiin in ay cod u qaadaan heshiis dhinaca Millatariga oo dhexmaray waddamada Soomaaliya iyo Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho