Wasiirka Gaashaandhiga oo u kicitimay Uganda iyo Kenya + Ujeedka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/Xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad safar shaqo ku aaday Dalalka Kenya iyo Uganada si uu ula kulmo Wasiirrada Gaashaandhigga wadamadaasi.

Fiqi ayaa ugu horreyn Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya kula kulmi doonta Wasiirka Difaaca dalkaas Mudane Maxamed Yuusuf Xaaji oo ay ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Dhanka amniga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa Howlgallada ay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ka wadaan Gobollada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale.

Socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee Kenya kadib waxa uu wasiirku  u safri doonaa Magaalada kampala ee xarunta dalka Uganada Halkaas oo uu kula kulmi doono Wasiirka Gaashaandhigga Dalkaas Karisbas Kyonga oo uu kala hadli doono sidii loo kordhin lahaa loona dardar gelin lahaa Howlgalka Ciidmada AMISOM iyo sidii ay isaga kaashaan lahaayeen Madaxda wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Uganada adkeynta iyo Xasilinta Amniga Soomaaliya.

Waa Safarkii Labaad ee Wasiirka Gaashaandhiga uu ku tago dalka Dibadiisa waxaana ka horeeyay oo uu socdaal ku tagay Dalka Turkiga.