Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Puntland oo la eryay + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee maamulka Puntland, Maxamed Saciid Maxamed (Faroole) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, kadib warqad uu soo saaray Sabtidii oo ay aheyd 17-ka December.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta Sharaa’ake Xasan Cali inuu sameeyay ku takrifal iyo musuq-maasuq, isagoo amray in baaris lagu sameeyo.

“Laga bilaabo 17-ka December, waxaa shaqadii laga joojiyay Sharmarke Xasan Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, si baaris loogu sameeyo,” ayaaa lagu yiri warqadda shaqo joojinta.

Sidoo kale waxaa la hakiyay dhammaan kootooyinka bangiyada u furan Wasaaradda Qorsheynta Puntland, inta uu socdo baaritaanka.

Wasiir Maxamed Saciid ayaa sidoo kale ka dalbaday Hantidhowraha Puntland inuu dabagal ku sameeyo guud ahaan Wasaaradda Qorsheyna, si loo qaado tallaabada ugu haboon.

“Xafiiska Hantidhowrka guud ee dowladda Puntland waxaa lagu wargelinayaa in baaris maaliyadeed iyo maamul lagu sameeyo Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka Wasiir Maxamed Saciid.

Go’aankan shaqo joojinta ayaa lagu wargeliyay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, sida ku cad warqadda oo ku taariikheysay 17-ka December oo ay ku beegneyd shalay.