Agaasimaha Hon Cable oo ka hadlay xiritaanka maanta ee xaruntooda Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Agaasimaha Horn Cable Tv Maxamed Cabdi Sheikh Ilig oo ka hadlay xarigga loo geystay TV-ga Horn Cable iyo Tafaftirihiisa Cabdulqaadir Suleemaan Codey ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay sifo sharci darro ah kula kacday.

Agaasimaha ayaa sheegay in amarka lagu xiray Tafaftiraha iyo TV-ga uu ka soo baxay wasiirka Warfaafinta Somaaliland Maxamed Muuse Diiriye, isaga oo sida uu sheegay aan sifo sharci ah u marin, waxuuna carabka ku adkeeyay in rabitaanka Wasiirka oo kaliya ay haatan ku xayiranyihiin.

Waxyaabaha loo cuskaday xarigga Tafaftiraha TV-gana loo xayiray ayuu sheegay inay la xariiraan warar uu TV-gu ka baahiyay Hey’adda duulista Somaliland oo ay cabasho ka muujisay iyo warar aysan xukuumaddu wax ka weydiin maamulka TV-ga oo sheegayay in la wareystay Suldaan Wabar.

Agaasimaha ayaa sheegay in xukuumaddu caadiifad ay qabto loogu geystay xayiraadda iyo xarigga Tafaftiraha, maadaama sida uu sheegay in aan soo marin wax sharci ah.

Halkaan ka Daawo:

Caasimada@live.com