Stockholm (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa sheegayaa in dib u dhacii ku yimid safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Sweden uu ka dambeeyay agaasimaha Madaxtooyada Cali Maxamed Cumar Balcad.
Wararku waxay sheegayaan in safarada Midowga Yurub ee Madaxweynaha ay yihiin kuwo dano shakhsi ah awgeed uu u soo abaabulay Cali Balcad oo doonaya inuu safiir ka noqdo dalka Britain.
Waddamamada Midowga Yurub ayaa horay u diiday inay Cali Balcad siiyaan aqoonsi danjirenimo markii dhowr bilood ka hor loo magacaabay xil safiir, iyagoo ku andacoonayaa inuu yahay nin musuqmaasuq badan oo aan dalalka Yurub lagu soo dhoweyn karin.
Hase yeeshee waxaa dhowaan uu Cali Balcad ku guuleystey inuu dalalka Midowga Yurub ka gado fikir ay si weyn u daneynayaan oo ah in qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada Yurub dib dalka loogu soo celiyo.
Si fikirkaasi u hirgalo ayaa waxaa shardi ah in horjoogeyaasha jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Yurub ay saxiixaan dalabkaasi, kadibna ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ay iyana saxiixdo.
Cali Balcad ayaa bilaabay socdaalo uu ku tegayo waddamada Midowga Yurub si uu uga soo sameysto guddoomiyeyaal jaaliyadeed oo u saxiiixa warqadahaasi, weliba si deg deg ah , si uu u xaqiijiyo riyaadiisa ah inuu safiir ka noqdo Midowga Yurub.
Waxaa uu Cali horay u soo marey Britain oo uu ku soo sameystey rag hawshaasi u fuliya, isagoo dhanka kalena hawl taa la mid ah u tagey Sweden, balse buuq ku soo dhammaaday, aakhirkiina ay sababtey inuu Madaxweynaha safarkiisa joojiyo.
Cali Balcad ayaa lagu waramayaa inuu madaxweynaha kula taliyey in safarkaasi dib loo dhigo, isagoo qariyey sababta dhabta ah ee uu taladaasi u soo jeediyay.
Ilaa iyo haatan waddamo dhowr ah oo Midowga Yurub, ayuu Cali ku guuleystey inuu si hoose ugu magacaabo inay yihiin guddomiyeyaal jaaliyadeed oo suuq madow ah si ay hadhow ugu saxiixaan waraaqaha oggolaanayaa in qaxootiga Soomaalida dib dalkooda loogu soo celiyo.
Inkastoo fikir xun aysan ahayn in Soomaalida ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, hadanna waxaa wax laga xummaado ah in ganacsi loo rogo dhibaatada Soomaalida haysata, oo lagu gorgortamo xaaladaha xun ee ay ku sugan yihiin.
Waddamada Midowga Yurub ayaa marka ay helaan saxiixa madaxda jaaliyadaha, kadib u baahan doona saxiida dowladda federaalka si qaxootiga Soomaalida dib dalkooda loogu celiyo.

