Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo u dhaxeeya wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Kulankaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray arimo amaan ah oo maalmahaan ka dhacayay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ku shaqeyso, waxaana la sheegayaa in qodobo dhowr ah laga soo saaray.
Shirka gaarka ah ayaa ka dambeeyay markii madaxweynaha Jubbaland uu la kulmay saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan, waxaana looga hadlayay howlgalka la doonayo in dhawaan laga sameeyo deegaanada Jubbaland.
Dhinaca kale xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya uu doonayo inuu Axmed Madoobe ku adkeyso mowqifka uu ka qaatay doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya nooca ay noqoneyso.
Axmed Madoobe ayaa ka fikir duwan C/Welli Gaas oo wali diidan in doorashada sanadkaan ay noqoto mid ku saleysan hab deegaan.
Midowga Yurub iyo wadamada kale ee caalamka ayaa diidan fikir C/welli Gaas, waxayna taageersan yihiin go’aanka dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada isla gaareen.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

