Kismaayo (Caasimada online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa su’aalo adag weydiiyay ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanada Jubbooyinka.
Axmed Madoobe ayaa ka carooday dib u dhac ku yimid qorshe horey loo dajiyay oo ahaa in ciidamada Ethiopia iyo Kenya ay qaadaan howlgal lagu xureynayo caasimada maamulkiisa.
Wuxuu sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiil gaar ah oo ka socotay AMISOM iyo kuwa ka socdo Ethiopia iyo kenya ee kusugan magaalada kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
“Waxaan la kulanay saraakiisha AMISOM, waxaan weydiiyay maxaa keenay in howlgalka wadajir loo sameyn jiray uu joogsado, maxaa keenay in dib u dhac ku yimaado qorshihii la dajiyay, waana isla garanay hadda wax walbaa”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Kismaayo waxaa maalmahaan ka socdo kulamo kala duwan oo quseeya dhinaca amaanka, iyadoo saraakiisha AMISOM ay dajinayaan qorshe lagu weerari karo magaalada Bu’aale oo xarun u ah maamulka Jubbaland.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

