Agaasime ku xigeen labaad oo loo magacaabay Villa Somalia iyo shaqada uu qabanayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay agaasime ku xigeen labaad oo ay yeelaneyso Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Agaasime ku xigeenka labaad ee hadda la magacabay ayaa lagu magacaabaa  C/llaahi Aadan Kulane, waxayna shaqadiisa noqon doontaa Maamulidda maaliyadda iyo Maamulka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Halka agaasime ku xigeenkii koowaad ee horey u jiray C/risaaq Shoole ay shaqadiisa noqon doonta dhinaca siyaasadda iyo kulamada ka dhacay madaxtoyada Soomaaliya.

Xilkaan ah agaasime ku xigeenka labaad ee Villa Soomaaliya ayaa ah xil horey u jiri jiray, balse hadda wuxuu kusoo aadayaa xilli uu khilaaf soo kala dhex galay  Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle iyo Agaasime kuxigeenka C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada, waxaana hadda muuqato in awoodiisa ku xigeenka koowaad la yareeyey.

Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle ayaa howshiisa noqon doonta mid siyaasada iyo arrimaha dibadda, halka labadiisa kuxigeen ay kala qaabilsanaan doonaan shaqooyinka gudaha Madaxtooyada, sida maamulka maaliyadda, shaqaalaha iyo howlaha kale.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET