30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Halkee ayuu salka ku hayaa weerarka Farmaajo uga yimid Nairobi yaase dabada ka riixaya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Ku dhawaad boqol Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ololo mucaaradnimo ah ka bilaabay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna la baxeyn madal cusub oo ay ugu magac dareen HORUSOCOD.

Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayey la yaab ku noqotay dhibaatada dowladda cusub ee Soomaaliya uga timaaday Magaalada Nairobi iyo cidda shaqadaan ka dambeyso, waxayna Caasimadda Online xiriiro la sameysay shaqsiyaad ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya si aan wax badan uga ogaano.

Madashaan ay sameysteen Xildhibaanadaan ku shiray Nairobi ayaa hoggaamiye looga dhigay C/rashiid Xiddig wuxuuna dhawaan Muqdisho uga dhawaaqi doonaa guddiyo ay yeelaneyso madasha.

Illo wareedyadaan ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in dagaalka iyo mucaaradnimada cusub oo ay wadaan Xildhibaanada ay hormuud u yihiin Wasiiro iyo Xildhibaan ka tirsanaa dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Markii laga guuleystay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa la saadaalinayey inay kooxdiisa dhibaato ku noqon doonaan dowladda cusub ee Farmaajo hoggaanka u hayo, waxaana hadda dhacday wixii laga filayey ururka Damul Jadiid.

Xildhibaanadaan intooda badan waxay ahaayeen kuwii Qabyo ee taagersanaa Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana qeyb libaax leh ka qaadanayo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsanaa dowladdii hore, midaasna waxay muujineysaa inay weli ka samri la’yihiin guuldaradii kaga timaaday Farmaajo iyo kooxdiisa intii ay socotay Doorashadii ka dhacday Muqdisho.

Wasiirkii hore ee arirmaha Gudaha Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ah shaqsiga ugu saameynta badan madashaan cusub ee lagu dhawaaqay sidoo kalana waxaa garabkiisa midig ah Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Mahad Salaad , waxayna isku aruursadeen dhammaan xildhibaanadii codka siisay Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Sidoo kale xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa muujineyso inay jiraan Xildhibaan kamid ah kuwii codka siiyey Cumar Cabdirashiid oo kamid ah ololaha ka socdo Magaalada Nairobi, inkastoo aysan buurneyn warka ku saabsan inay ka qeyb ka yihiin.

Waxaa kaloo jiro siyaasiyiin aad ugu kacsan dowladda Farmaajo oo shaqadaan qeyb ka ah, waxayna intooda badan doonayaan inay howshaan fuliyaan iyagoo aan banaanka is keenin, balse Caasimadda Online ayaa wado baaritaan ay kusoo ogaaneyso dhammaan dadka ku lugta leh mucaaradnimada kasoo if baxday Magaalada Nairobi.

Xildhibaanada arrintaan ku dhawaaqay ayaa intooda badan ah kuwa xilal ka waayey Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxayna doonayaan inay qaab cusub oo siyaasadeed wax ku raadsadaan, waxaana dowladda cusub qasab ku noqneyso inay sameyso wax  kasta oo ay madashahaan mucaaradnimada u xuub siibtay uga hortagi laheyd.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News