25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Ciidamada Liyuu Boolis oo haween ka afduubtay Soomaaliya + Tirada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis ay afduub u geysteen dumar ka tirsan dadka deegaanka Gobalka Galgaduud.

Dumarkaani ayaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa laba dumar waxa uuna afduubkooda dhacay xili ay ku sugnaayen hooygooda.

Afduubka ayaa ka dhacay Degmada Galin-soor ee gobalka Galgaduud, waxaana lasoo sheegayaa in dumarkaasi loola dhaqaaqay dhanka deegaanada ay ka arimiyaan ciidamada Liyuu Boolis.

Goobjooge Maxamed Calia Tahaliil ayaa sheegay in dumarkaasi hooygooda looga kaxeeyay si bah dil ah, isla markaana lagu riday qeybta danbe ee gaadiidka loo yaqaan cabdi bilaha oo ay wateen ciidamada.

Ciidamada Liyuu Boolis, ayaa xadgudubyo dhowr ah u geysta dadka deegaanka ku ah Gobalka Galgaduud.

Geesta kale, ciidamada Liyuu Boolis ayaa dilal farabadan ka geysta deegaanka Galin-soor ee gobalka Galgaduud, waxaana dilalka daba socda boob dhulal.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News