25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Sawirro: Maxay kawada hadleen RW Kheyre & Wasiirka arrimaha dibadda Norwey (Akhriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Xasan Kheyre ayaa maanta kulan aan caadi aheyn magaalada Doha kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Norwey.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Mr Børge Brende iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Wasaarada Arrimaha Dibedda.

Xasan Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, Siyaasada, Horumarka iyo Abaaraha ka jira Somalia.

Xasan Kheyre, ayaa Mr Børge Brende ka dalbaday inay ka garab siiyaan sida looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira Somalia, waxa uuna amaanay sida Dawladda Norwey ay u garab taagan tahay Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Norwey Mr Børge Brende, ayaa Mr Kheyre u ballanqaaday in dowladiisu ay ka qeyb qaadan doonto dhinacyada Amaanka, Siyaasada iyo Gurmadka abaaraha ka jira Somalia.

Mr Børge Brende, ayaa sheegay in sidoo kale dowladiisu ay kaalin mug leh ka qaadan doonto dib-u-dhiska Somalia.

Sidoo kale, Mr Børge Brende ayaa soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News