27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Is rasaaseyn Muqdisho ku dhex martay ilaalada Villa Somalia iyo ciidamada NISA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Caawa rasaas xoogan laga maqlayaa nawaaxiga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Is rasaaseynta ayaa u dhexeysa Ilaalada Madaxtooyada iyo Ilaalada Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ee dhawaan la magacaabay.

Is rasaaseynta ayaa ka danbeysay kadib markii Ilaalada Villa Somalia ay is hortaagen in Taliyaha ciidamada NISA ee Gobolka Banaadir uu u gudbo nawaaxiga Xarunta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in is rasaaseynta ay ku dhinteen ilaa labo askari, halka labo kalena ku dhaawacantay.

Is rasaaseynta labada dhinac ayaa la xaqiijiyay inay khal khal amni ku abuurtay boqolaal ruux oo Munaasabad uga qeybgaleysay xarunta dowladda hoose oo ay ka socotay Munaasabadda 15 May.

Goobta ay is rasaaseynta ka dhacday ayaa waxaa durba gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa amaanka kuwaa oo qaboojiyay Xaalada amaan.

Geesta kale, Is rasaaseyntaani ayaa qalqal galisay amniga Xarunta Villa Somalia, waxaana loo qaatay in la weeraray Xarunta dowlada Hoose oo ay munaasabad ka soctay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News