Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano kor u dhaafayo ilaa 100 Xildhibaan ayaa sida aad warka ku akhristeen madal cusub uga dhawaaqay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, madashaas oo Loogu magac daray (Horusocod).
Haddaba Caasimadda Online ayaa xog badan oo dheeri ah kasoo heshay qaabkii ay ku timaaday dhisidda madashaas iyo cidda dhigtay gogosha.
Sida xogta sheegeyso Xisbiga Daljir ayaa dhigay Gogosha looga dhawaaqay madashaan, waxayna Casuumaad u sameeyeen Xildhibaano badan oo mucaarad ahaa kuwaas oo maalmihii dambe shirar ku lahaa Magaalada Nairobi, waxaana howshaan wado madaxda ugu sareyso Xisbiga Daljir.
Xisbigaan ayaa lagu tiriyaa inuu yahay midkii doorashadii Doorashada ee uu Farmaajo ku guulesytay wajigaas u yeelay kadib markii ay codka siiyeen Madaxweyne Farmaajo, waxaana dhawaan cadaatay in aysan wax tixgelin ah ka helin dowladda Farmaajo kadib markii ay waayeen xilalkii ay ka sugayeen dowladda.
Xisbiga Daljir ayaa inta aysan gogosha dhigin waxay xaal iyo xumeyn ka bixiyeen inay sabab u ahaayeen inuu Farmaajo Madaxweyne noqdo, waxayna arrintaas ku tilmaameen inay aheyd qalad ka dhacay.
Markaas kadib ayaa la isla go’aansaday in si wadajir ah loogu dhawaaqo Madashaan lagu doonayo in wax looga badalo halka ay mareyso siyaasadda Soomaaliya oo ay ku tilmaameyn inay tahay mid aan cidna lagala tashan.
Waxaan dhawaan Inshaa Allah idinla wadaagi doonaan magacyada siyaasiyiin caan ah oo qeyb ka ah ololahaan keenay in lagu dhawaaqo madashaan.

