Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Guddoomiyaha Xildhibaanada mucaaradka ee la magacbaxay Madasha Horusocod ee looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Guddoomiye C/rashiid Xiddig ayaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay maalin un kadib markii lagu dhawaaqay Madasha, waxa uuna durba magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo uu ku tashkiilinaayo Xildhibaanada.
Guddoomiyaha Madasha ahna Xildhibaan ka tirsan BFS, ayaa markii uu kasoo degay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho sheegay in ujeedkiisa uu yahay inuu ka shaqo bilaabo magaalada Muqdisho.
Xiddig ayaa sheegay in Madasha cusub ay ka duwan tahay kuwii hore waxa uuna carab dhabay in lagu saxaayo khaladaadka ka dhex jira Xukuumada iyo Xarumaha dowlada.
Xiddig ayaa sidoo kale, sheegay in Xildhibaanada kale ee ka tirsan Madasha kuna sugan magaalada Nairobi ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Xiddig uu billaabi doono olole ka dhan ah dowladda Kheyre, lana filay in kadib bisha Ramadaan la keeno baarlamanka mooshin xilka looga qaadayo ra’iisul wasaaraha.
Geesta kale, dadka magaalada Muqdisho ayaa durba Madasha ku magacaabay qaswadayaal kasoo horjeeda talaabooyinka hormarka leh oo ay qaaday dowlada Federaalka ah ee Somalia.

