Agaasime ku-xigeenkii NISA oo sheegay sababta rasmiga ee loo haysto kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu shaaciyey shir jaraa’id oo Baydhaba ay ku qabteen xubnihii guddiga ee maanta tegay.

Sidoo kale, guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda. 

Go’aankan ayaa ka dhigan in kursiga Fahad Yaasiin ee HOP086 uu weli xayiran yahay, ayada oo la filayo in maanta Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Guddiga doorashada waxay sheegeen in habkii lagu doortay kursiga HOP086 ay khaladaad ka buuxeen, hase yeeshee kursigaas waxba kama duwan nidaamka musuq-maasuqa ah ee kuraasta baarlamanka lagu soo doortay 95%.

Dadka qaar ayaa sidoo kale rumeysan in kursigaas loo xayiray kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd gabar ka tirsaneyn NISA oo la tuhunsan yahay inay dileen xubno ka tirsan hay’adda darteed. 

Hase yeeshee agaasime ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay in sababta loo heysto kursigaasi ay tahay mid siyaasadeed, isaga oo soo bandhigay tusaale muujinaya inaanu shaqo ku laheyn kursiga Ikraan.

“Fahad wuxuu la mid yahay, haddii lagu eedeynayo kiiskii Ikraan Tahliil iyo eedeymaha kale oo ay dad badan ku soo oogeen, wuxuu la mid yahay Yaasiin Farey oo ah ku simaha taliyaha NISA, wuxuu la mid yahay Kulane Jiis, dad badan oo waxaa jira ah eedeysanayaal ay kiisas ka yaallaan maxkamadda, oo aan ilaa iyo hadda la beri yeelin. Marka haddii ay arrintaas la xiriirto kuwan laftigooda ma aysan ahayn inay soo gudbaana” ayuu yiri Cabdisalaan.

Wuxuu Cabdisalaan intaas ku daran in laba arrinba ay suurto gal tahay, oo ah; in laga gudbo khilaafka kursigan oo xal loo helo iyo in Fahad uu noqon waayo xildhibaan.

Rajada Fahad oo markii hore ay saacideysay inay isku qaanad ahaayeen kuraas ka badan 70 oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa hadda hoos u dhacday kadib markii Lafta-gareen uu xalay heshiis la galay guddiga doorashada.