Agaasimihii wasaaradda batroolka iyo macdanta oo shaqo joojin lagu sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirk ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa shaqo joojin ka sameeyey agaasimihii wasaaraddaas, sida ku cad qoraal kasoo baxay.

Agaasimaha oo lagu magacaabo Karar Shukri Doomey ayaa lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay xilkiisa, islamarkaana kala qeybsanaan ka dhex-abuuray shaqaalada wasaaradda.

Hilaal ayaa sidoo kale ku eedeeyey Karar Shukri inuu sameeyey “qaladaad qaran oo dhowr ah.”

Karar Shukri Doomey ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu soo saaray warsaxaafadeedyo dhowr ah oo ku baxay magaca wasaaradda, balse aysan ka warhayn madaxda sare ee wasaaradda.

Wasiirk ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu xilkan si ku-meel gaar ah ugu magacaabay Dr. Xuseen Cali Axmed, oo la-taliye sare u ah wasaaradda.

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday wasiir ku-xigeenka

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com