Sawirro: Somaliland oo ku kaliyowday wada-hadaladii maanta ka furmay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa ka hadashay shirkii maanta ka furmay Nairobi, ee lagu waday inay hordhac u noqdan wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland.

Kulankan ayaa waxa soo xaadirey oo qudha Somaliland iyo Beesha caalamka oo ay kamid ahaayen dalalka Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden, Turkiga, IGAD, wakiilka gaarka ah ee UK.

Baashe Cawil Cumar oo kamid ahaa wafdiga Somaliland ee ka qeyb-galayey wada-hadaladaasi, ahna safiirka Somaliland u fadhiya Kenya ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay kaliyeysiga Somaliland ee shirkan, taasi oo dowlada Somaliya ka baaqatay.

Baashe ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in Wafdiga Somaliland ay ku faraxsanyihiin inay ka qeyb galaan wada-tashi lagaga arinsanayo wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland.

Wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay lumisay fursad weyn oo lagu sii dar-dar gelin lahaa wada-hadaladaasi, wuxuuna yiri

“Wafdigii Somaliland ee uu hogaaminayey wasiirka arimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ku faraxsan inay ka qayb galeen wada tasho lagaga hadlay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya kaas oo ay goob joog ka ahaayeen beesha caalamka”.

“Waxa goob joog ka ahaa beesha caalamka oo ay ku jiraan Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden, Turkiga, IGAD, wakiilka gaarka ah ee UK u qaabilsan bariga Afrika iyo wakiilada kale ee caalamka ee ku sugan Nairobi halka aanay Soomaaliya ka soo qayb galin kulankan iyaga oo sheegaya inaanay Nairobi ahayn meel ku haboon wada-hadalada Somaliland.”

Wuxuuna intaas ku sii daray “Anaga oo tixgelinayna hadana waxa murugo weyn ah in dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ay khasaarisay fursad weyn oo lagu sii wadi lahaa wada hadalka”.

“Tani waxay muujinaysaa fawdada iyo balanqaad la,aanta wada hadal dhab ah oo Villa Soomaaliya ugu tala gashay habka ay iskaashi nabadeed ku wada yeelan lahaayeen Somaliland”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com