Khayre oo ku dhawaaqay magaalada lagu qabanayo doorashada GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay in doorashada madaxweyne iyo mida baarlamaan ee Galmudug lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Go’aanka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu sii xoojinayaa midkii wasaaradda arrimaha gudaha oo horay u go’aamisay in doorashada lagu qabanayo magaaladaasi.

Khayre oo meel fagaare ah kula hadlayay shacabka Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu u yimid in Galmudug uu kala shaqeeyo dhismaha maamul loo dhan yahay.

Sidoo kale Khayre ayaa ugu baaqay dhammaan dadka ka soo jeeda gobollada Mudug iyo Galgaduud inay u istaagaan dhismaha iyo horumarka maamulkaasi.

Hadalka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa imaanaya, iyadoo uu si weyn tallaabadani uga soo horjeedo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Xaaf ayaa doonaya in doorashada lagu qabto magaalada Cadaado gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Saldhigga muranka iyo meesha la’isku hayo ayaa ah halka lagu qabanayo doorashada oo ay qir iyo qir kala taagan yihiin labada dhinac.

Saacadaha soo socda ayaa la faliyaan in wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay gaaraan Cadaado, si ay wada-hadallo ula soo yeeshaan Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ku sugan magaaladaasi.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in qaban qaabo iyo soo dhaweyn ballaaran laga dareemayo halkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com