Ahlu-Sunna iyo Galmudug, kee rumeysanaa kadib labadan hadal?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu suna wal-jameeca ee gobolada Dhexe ayaa war been abuur ah ku sheegay hadal kasoo yeeray maamulka Galmudug.

C/laahi Xirsi Diirshe Daacad oo ah Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Ahlu suna ee gobolada dhexe, ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay warbaahinta ka maqlayeen warar sheegaya in wada hadal uu u socdo Ahlu suna iyo Galmudug.

C/laahi Xirsi Diirshe, waxa uu sheegay inaanu jirin wax wada hadal ah oo kala dhexeeya maamulka Galmudug, waxa uuna sidoo kale tilmaamay in iminka uusan rajo ka qabin inay wada hadal la furaan Galmudug.

C/laahi Xirsi Diirshe, waxa uu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey uu warbaahinta uga sheekeeyay in dhawaan loo guda gali doono wada hadalka Ahlu sunna iyo Galmudug, balse waxa uu hadalkaasi ku sheegay mid been abuur ah.

C/laahi Xirsi Diirshe, waxa uu cod dheer ku sheegay in Ahlu sunna ay gabi ahaan kasoo horjeedo inay la fadhiisato Galmudug.

Dhanka kale, maamulka Galmudug ayaa si gaar u daneynaaya wada hadalka Ahlu sunna, hayeeshee waxaan is horfadhiisigaasi kasoo horjeeda ahlu sunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com