Video: Terminal cusub oo lagu soo kordhiyey dekedda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jarey terminal cusub oo loo sameeyey Dekedda Caalamiga ee magaalada Muqdisho, kaas oo loogu talagaley fududeynta adeegga dekedda.

Terminalkan cusub oo ah nooca loo yaqaan “Dry Port” oo ku yaalla meel ka yara baxsan dekedda ayaa loo adeegsan doonaa in la dhigo dhammaan konteenarada laga soo dejiyo Dekedda Muqdisho, halkaasina lagu marsiin doono nidaamka dejinta ee isugu jirta baarista, sugidda iyo canshuuraha badeecadaha kala duwan.

Waxaa Terminalkan cusub uu culeyska ka qaadi doona Dekedda Muqdisho, iyadoo la filayo in sidoo kale ay fududaan doonto muddada dejinta badeecadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay waxaa uu u mahad celiyay shirkadda SIMATECH International oo iyadu maalgelisay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.