Nin hubeysan oo weeraray guriga wasiirka arrimaha gudaha ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ruux ku hubeysnaa qori nooca loo yaqaan AK47 ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Hooyga Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland Cali Waran cade.

Ruuxaani ayaa waxa ay rasaas is weydaarsadeen Ilaalada Wasiirka kadib markii uu isku dayay in gudaha uu u galo Hooyga Wasiirka waxaana is hortaagay ilaalada Wasiirka.

Ninka weerarka ku qaaday Hooyga Wasiirka ayaa la sheegay in xidid ay ahaayen Wasiir Waran cade islamarkaana uu kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Beer aad u weyn oo uu leeyahay Wasiirka taas oo ku taala magaalada Hargeysa laguna xanaaneeyo xeywaanaadka dadka ugaarsada sida Libaaxyada.

Ninkaani ayaa waxa uu qorshihiisu ahaa inuu dilo Wasiirka waxaana lasoo warinayaa inuu gadoodsanaa, kadib markii laga jaray Mushaarka.

Weerarka kama uusan dhalan Khasaaro balse waxaa la sheegay in ninkaasi uu galay gacanta Booliska maamulka.
Dhanka kale, waxaan weerarkaasi ka hadal Wasiir Waran cade.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com