Xog: Xasan Sheikh iyo CC oo isku khilaafay gudiga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali lala baal-maray diyaarinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee 2016-ka ee iminka lagu dhawaaqay.

Wararku waxa ay sheegayaan in gudigaasi lagu soo dhoodhoobay Villa Somalia ay isla diyaariyeen Madaxweyne Xassan, Wasiir Odawaa iyo Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte.

Magacyada gudigaani ayaa la sheegayaa in lagu diyaariyay Xafiiska Xassan Sheekh iyo kan Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka, islamarkaana lala baal-maray RW CC.

Magacaabida Guddigaani loo xilsaaray doorashada ayaa waxaa iminka la sheegayaa in khilaaf uu ka dhex dhaliyay Ra’isul wasaaraha dalka iyo Xassan Sheekh, ka gadaal markii uu Xassan amar kusiiyay Saraakiisha Xafiiskiisa in Magacyada Gudigaasi la baahiyo marka uu ka safro dalka, islamarkaana gaaro magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa la sheegayaa keliya inuu la socday in Guddigaasi la yagleeli doono, hayeeshee wixii intaa ka badan aan lala socodsiin.

Xassan Sheekh ayaa ka hor inta aan lagu dhawaaqin Magacyada Guddiga Maxamed Cumar Carte u xilsaaray soo xulista Guddiyada matalaya Beelaha Waqooyi, waxaana arrintaasi ka biya diiday Ra’isul wasaare Cumar oo sheegay in shaqada ay qabteen Xassan Sheekh iyo Carte ay aheyd in lasoo mariyo Odayaasha Beelaha iyo Xafiiskiisa.

Sharmaarke ayaa ku andacoonaaya in qaab xatooyo ah loo magacaabay Gudiga, balse uusan raali ka noqon doonin in sharciga loo dhigo sida ay iyaga rabaan.

Xassan Sheekh ayaa isaga si gaar ah isaga ilaalinaaya Cumar C/rashiid oo isaga ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Somalia, taasi oo sabab looga dhigay in laga ilaaliyo wax ka diyaarinta Guddiga.

Arrintaani ayaa muujineysa in talaabo waliba oo ay qaado Villa Somalia loo maro wadooyin khaldan oo mugdi galineysa masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com