Yaa Mathala gobolka Benaadir? + Qorshe xasaasi ah oo socda

Sida laga warqabo waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu xeer ka soo saaray magacaabista Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee sannadka 2016-ka. Xeerkaan wxuu si ula kac ah meesha uga saaray xaqa iyo xuquuqda dad ka badan (3) saddex million oo qof, in aysan ku yeelan wax mathalaad ah Guddiga Doorashooyinka ee heer qaran.

Dadka madaxda ka ah dowladda siiba Madaxwaynaha, waxaa lagu aaminay una dhaartay in uu dalka ku hago cadaalad iyo sinnaan muddada ama waqtiga uu xilka hayo. Waa wax cagliga saliimka ah ka wayn in la yiraahdo doorasho ayaa la qabanayaa, cod iyo matalaadna ma laha dadka ku nool Gobolka Benaadir ee ka badan saddex million (3) oo qof, laguna tilmaamo in ay yihiin muwaadiniin labaad (Second Class Citizens).

Gobolka Benaadir horay ayaa looga reebay in uu ka helo mathalaad Aqalka sare (Senate Chamber) iyo guddiga doorashooyinka oo hadda laga saaray, tani waxay u tahay tilamaan in xaqii Gobolka Benaadir uu ku gorgortamay Xasan Sheikh iyo xulafadiisa si ay mar labaad awoodda dalka dib ugu soo noqdaan.

Marka, ma dhici karta in qof Soomaaliyeed ee damiiri ku jirto, in maanta uu u codeeyo Xasan Sheikh iyo xulfadiisa, asaga oo ku fashilmay wax kasta oo hoggaamin iyo caddaalad ah intaba. Doorashadaan la hadal haayo, waxaan ku tilmaami karaa waa haddii ayba dhacdo, in ay tahay mid dhalanteed ah, (cosmetics) waayo, saddex meelood meel ummadda Soomaaliyed cod ma laha, waa xaqiraad iyo bahdilaad inteeda la eg, ee lagu suubiyay dadka ku nool Gobolka Benaadir. Waxaan doorashadaan u arkaa in ay tahay mid ‘null and void’ ah, waxba kama jiraan ah, taariikhduna ay qorayso, xusi doontana waxa ay yihiin dadka xaqdaradaan horboodaaya oo ugu horrayo madaxwaynihii lagu aaminay in uu ummadda caddaalad ku hago waxna ugu qabto.

Doorashadu haddii ay tahay xalaal, ma dhici karto in dadka musharixiinta ah sida, Madaxwaynahya uu magacaabo guddiga doorashada. Waxaa xilkaas iyo mas’uuliyadaas iska leh, awoodda fulinta (Executive Branch) iyo hay’adaha doorashooyinku ay khyusayso sida axsaabta (Political Parties) iyo ururada bulshada (Civil Society Organizations).

Dowladdu waa in ay magacowdo guddi madaxbannaan oo dhex-dhexaad ah, waa sida looga dhaqmo aduunka, caddaaladuna ay ku jirto. Waa wax lid ku ah dastuurka aan qoranay iyo kan caalamka, in dadkii ‘incumbent’ ahaa oo dowladda hagaayay sida Madaxwaynaha, ay dad danahooda uga shaqeeya oo activists ah, ay u soo magacaabaan guddiga doorashooyinka. Waa dulmi iyo xaqdarro inteeda la eg.

Haddii wax la magacaabaayo waa in ay noqdaan guddi madax bannaan (National independent electoral commission), oo aan ka amar qaadan dowladda oo ah, dad dhex-dhexaad ah (impartial, fair and balanced commission). Fadlan yaan umadda Soomaaliyeed loo horseedin fowdo iyo dhib danbe, iyo kacdoon dadwayne ee faraha ka baxa.

Ugu danbayn, Somaliya waxay u baahan tahay hogaan mas’uul ah, ku dheehan tahay aqoon iyo khibrad, dad la dhaqaan leh ,fikirkiisa iyo barnaamijkiisa si fiican u gaarsiin kara dalka iyo dadka, ka dheragsan xaalada dalku ku jiro, og wixi la soo maray, la socda heerka uu maraayo fara gelinta shisheeye ee dalka lagu haayo, garan kara aqoon iyo waayo-aragnimana u leh waxa looga baahan-yahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa u qabto..

Somaliya waxay u baahan-tahay charismatic leader ku dhaqa dadkiisa iyo dalkiisa caddaalad iyo sinnaan, kala garan kara marka lagu dhaqmaayo ‘people-oriented skills’ iyo ‘task-oriented skills’ Allah ka cabsi leh. ka fog qabyaald ku dhaqan, nin jacleysi iyo nin neceybsi labadaba aysan ku jirin dabeecadiisa, qof walba ku qiimeeya waxqabadkiisa, dadka ku xeeran ku doorto mid walba hawsha uu ku takhasusay iyo wax qabadkiisa, ka digtoonaada waxna aan u dirsan nin aduunya doon ah, iyo nin jilcsan ama u dhega nugul fulinta iyo ilaalinta dana shisheeye oo gurracan loona yaqaano khaa’inul waddan (NationalTraitors).

Ka fogaada dadka ku caan baxay kala fogaynta ummadda Soomaaliyeed iyo hurinta qabyaaladda. Lehna awoodda dib-u-hishiineed, aan aan isticmaalin ku takri-fal awoodeed (dictatorship). Waxaa xikmadaha Mr. Blanchard, kuna takhasusay cilmiga hoggaaminta ka mid ahaa xikmadihiisa, ‘The most successful leadership skills today is influence, not authority’

Waxaan filaa ilaahna ka rajaynaa in qofka la dooranaayo uu yeesho sifooyinkaas aan kor ku soo sheegay, ee aan mar danbe la khaldamin.