Xog: Ethiopia oo lagala tashaday shirka dhowaan ka furmi doona…

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ku dhawaaqay in shirka Madasha Wadatashiga Qaran 22 Bishaani ka furmi doono magaalada Beydhabo.

Jawaari waxa uu sheegay in iminka diyaarin ay ku socto Xarunta uu ka furmi lahaa shirka waxa uuna tilmaamay in shirkaani ay ka rajeynayaan inuu noqdo kii ay Soomaali ku heshiin laheyd doorashada ka hor.

Jawaari waxa uu sidoo kale, sheegay in iminka uu si hordhac ah usoo koontaroolay xarunta shirka, balse ay u harsan yihiin inuu daraaseeyo amniga iyo xaalada goobta uu shirka ka furmi doono.

Saraakiisha Koonfur Galbeed iyo kuwa Ethiopian-ka ayuu sheegay inuu kala hadlay qaabkii loo wejihi lahaa arrimaha shirka, amniga iyo ka warqabka wafuuda ka soo qayb galeysa shirka.

Dhanka kale, Shirkani ayaa waxaa guud ahaan diirada lagu saari doonaa masiirka Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com