Xog: Jawaari oo waji gabax kala kulmay Shariif Xasan Sheekh.!!

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan aan caadi aheyn ku dhexmaray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay arrimaha la xiriira soo xulista Xildhibaanada cusub ee ka imaan doona dhanka Koonfur Galbeed, waxaana lasoo sheegayaa in Shariif Xassan uu si cad u sheegay in Xildhibaanada imaan doona uusan kala tashan doonin shaqsi kale islamarkaana waxba ka khuseyn musharaxnimada Xassan Sheekh.

Shariif Xassan waxa uu Jawaari u sheegay in Xildhibaanada uu kusoo xuli doono maslaxada Koonfur Galbeed, waxa uuna iska fogeeyay in Siyaasada maamulkiisa uu ku raali galiyo Xassan Sheekh.

Jawaari ayaa isku dayay in Shariif Xassan uu ku qanciyo in la taageero Madaxweyne Xassan oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Qaran, hayeeshee waxaa arrintaasi ka biya diiday Shariif.

Ujeedka ugu weyn booqashada Jawaari ee magaalada Baydho ayaa ah in waxbadan uu ka ogaado xildhibaanada cusub ee ka imaan doona dhanka Koonfur Galbeed, ka sokow howlaha shirka madasha ee ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Asbuucyadii ugu danbeeyay ayaa waxaa khilaaf kala geeyay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Shariif Xassan kaasi oo ka dhashay arrimaha doorashada dalka.

Geesta kale, Shariif Xassan qudhiisa ayaan wali Xassan Sheekh u cadeyn mowqifkiisa ku aadan taageeridiisa ama ka gaabintiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com