Xog: Col. Barre Hiiraale oo looga yeeray Nairobi iyo qorshe laga…

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya gaaray wafdi uu hogaaminaayo Col. Barre Hiiraale oo kamid ah Siyaasiyiinta sida xoogan kaga soo horjeeda maamulka Jubbaland.

Wafdigaani ayaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaadan doonaan Saraakiisha Dowlada Mareykanka ka jooga magaalada Nairobi.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Col. Barre uu si hordhac ah ula kulmay Saraakiishaasi kulankaasi oo ka dhacay dhismaha Safaarada Mareykanka ay ku leedahay Nairobi.

Col. Barre ayaa Saraakiisha kala hadlay tirro ciidamo isaga daacad u ah oo ku jira gacanta Saraakiisha iyo ciidamada ethiopia ka jooga magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu kusoo dhamaaday qabyo waxaana la filayaa in halkiisa laga sii ambaqaado maanta oo Isniin ah.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa khilaafka Bare Hiiraale iyo Jubbaland iyo sidoo kale arimaha ciidamada Bare Hiiraale ee ku xareysan Kismaayo.

Kulanka u dhexeeya Col. Barre Hiiraale iyo Saraakiisha Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale laga filayaa in laga soo saaro natiijo xal u noqon doona ciidamada Barre ee iminka ku xareysan magaalada Kismaayo.

Ma cadda sida Barre Hiiraale loogu qancin doono in Ciidamadiisa ay kusii jiraan gacanta Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com