Ahlu Sunna iyo Galmudug oo maanta si rasmi ah isku hor fadhiisan doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta la filayaa in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo wadahaladii u dhaxeeyey Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunn Waljameeca , iyadoo uu dib u dhacyo ka jiro jadwalkii horay loo soo saaray ee ku aadanaa qabashada wada hadalada labada dhinac iyo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Wararka laga helayo xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in maanta wadahaladii dib uga furmi doonaan Magaalada Muqdisho , iyadoo ay dib u dhac badan ku imaaday kulankaas oo la filayey inuu asbuucii hore furmo.

Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa xalay Ra’isulwasaaraha u gudbiyey liiska guddiyada uga qeyb geli doono wadahadalaas waxayna isugu jiraan Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug.

Maalmihii ugu dambeeyey Ahlu Sunna ayaa Magaalada Muqdisho kulamo kula yeelaneyso Madaxweynaha iyo Ra’iulwasaaraha Soomaaliya, waxayna soo bandhigtay shuruudo adag oo ay kamid aheyd in wax laga siiyo dowladda Soomaaliya.

Shaqsiyaadka ay dowladda u xil saartay wadahadalaas waxaa kamid ah wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad, waxayna kulamo badan la qaateen madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna si meel dhexe la isugu imaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleyso sidii Galmudug looga dhigi lahaa meel ay ku wada dhan yihiin kooxaha kala duwan ee awoodda ku leh Mudug iyo Galgaduud, waxaana la filayaa inay wadahadaladaan kasoo baxaan waxyaabo muhiim u ah aayadaha Maamulkaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com