Guddiga doorashada Galmudug oo digniin soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha gudiga doorashooyinka ee baarlamaanka Galmudug oo saxaafada la hadlay ayaa digniin kasoo saaray dib u dhac ku yimaada doorashada madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Boosteeyo Jaamac Cali iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan kana mid ah gudiga doorashada Galmudug ayaa digniin kasoo saaray doorashada madaxweynaha Galmudug inay markale dib u dhacdo.

Boosteeyo Jaamac oo ah guddoomiye ku xigeenka gudiga doorashada Galmudug ayaa sheegtay in wax xiriir ah uusan ka dhaxeynin heshiiska dowladda Soomaaliya ay la galeen ee ku aadan wadahadalka Galmudug iyo Ahlu sunna.

Waxay sidoo kale sheegtay  in doorashada ay dhaceyso xiligii lagu balamay oo ah 30 bishaan April, iyadoo sheegtay inaan waqti kale dib loo dhigi doonin waqtiga doorashada la iclaamiyay.

“Sida qorshaha yahay 30-ka bishan ayeey doorashada dhici doontaa, wixii ka horreeyana waxaan fulineynaa heshiiskii uu maamulkeena la galay dowladda Federaalka Somaliya, iskuma xirna doorashada iyo wada hadalka, waxaana doorashada ay dhici doontaa waqtigii loogu talogalay.” ayeey tiri Xildhibaan Boosteeyo.

Doorashada Galmudug oo horaantii bishaan la filayay ayaa dib loo dhigay sabab la xiriirta wadahadal Ahlu sunna iyo Galmudug kaga furmaya Muqdisho oo la doonayo in Ahlu sunna laga qeyb geliyo doorashada dhaceysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com