CHAN CUP: Saacadee la cayaari doonaa kulanka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed?

Jabuuti (Caasimada Online) –  Xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya ee kubbadda cagta, ayaa ku sugan waddanka Jabuuti, iyagoo halkaas kula dheelli doonno dhiggooda Suudaanta Koonfureed, waxanna ay ku kulmayaan koobka Chan-ka ee laga dheello qaaradda Afrika.

Soomaaliya, ayaa gurigeeda ahaan waxa ay ku ciyaari doontaa Jabuuti, iyadoo lugta labbaad ay ka dhici doonto 30-ka bishan magaalada Jubba ee xarunta Suudaanta Koonfureed.

Ciyaartooyda Soomaaliyeed ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxa ay tababar ku qaadanayeen garoonka Jamaacaddaha ee ku yaallo degmada Hodan, waxanna ay tababarkaasi ugu diyaar garoobayeen tartankan.

4:00 (Galabnimo), ayuu bilaabban doonnaa kullanka waxaanna laga daawan doonnaa TV-ga dalka Jabuuti ee RTD.

Shaxda la sii saaddaalinaayo:

Mustaf Maxamed Yuusuf,C/qaadir C/Raxman Daandii,Ciise C/qaadir Ibaarhim, Idiris Amiin Cali,Xasan Cali Rooble,Mahad Muxidiin Xaaji,Cabaas Amiin Maxe’d,Daa’uud C/llahi Tubaal,Cadaani Barre Ciise,Bile Muxidiin Buraale,C/Shakur Maxamud Max’ed (Aalla).

Xulka qaranka ayaa laga filayaa natiijo wanaagsan oo kala yimaado tartankan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com