Farmaajo oo ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay u dhawaadan alihii abuuray

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo maanta ka qeybgalay Salaada Jimco ee Masjidka Shuhadaa ee ku yaala Xarunta Madaxtooyada, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u laabtaan Alle.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay alle weydiistaan dambi dhaaf, waxa uuna sheegay in dalka uu soo maray xaalad adag oo muujineysa in laga mashquulay alle bariga.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in marka la gaaro xaaladaha noocaani ah loo baahan yahay in dib loogu laabto Alle si dalka ay ugu soo degto raxmada alle.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo dowladda Soomaaliya si dalka uu horay ugu socdo lana ilaaliyo Amaanada ,Cadaalladda iyo dadka danyarta ah.

Madaxweynaha ayaa fursad u helay inuu ku baaqo alle bari maadaama Khudbada Salaadda Jimcaha ay aheyd mid ku saabsan ahmiyadda Garsoorka iyo Cadaalladda.

”Dalkan aniga iyo dhowr iyo toban Wasiir kaliya wax kama qaban karno, waxaa loo baahan yahay in dowladda lala shaqeeyo si bur burka looga baxo, waxaa jira kooxo ka shaqeeya had iyo jeer bur burka dalka oo habeen iyo maalin u soo jeeda sidii dalka loo bur burin lahaa”

Khudbada ayaa lagu sheegay in cadaalladdu ay tahay mid wanaagsan maalinta qayaamahana la is waydiinayo loona baahan in Madaxda iyo Shacabkaba ay ku dadaalaan sidii cadaallad looga shaqayn lahaa.

Khudbada ayaa waxaa jeedinaayay Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Maxkamadaha dalka looga baahan yahay inay u arxamaan shacabka oo si cadaalad ah ugu garqaadan.

Dhinaca kale, Avv, Ibraahin Iidle Suleebaan oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa dhankiisa ka sheegay in ay ku dadaali doonaan cadaalladda, wuxuuna madaxda iyo shacabka u soo jeediyay inay u duceeyaan Garsoorka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com