Ahlu-Sunna oo mowqif aan la fileyn qaadatay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) –Ururka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa si cad kaga hadlay Mowqifka ay ka qabaan shirka madasha wadatashiga qaran ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo madaxda sare ee qaranka.

Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe, Sheikh Maxamed Shaakir Cali, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbalsaneyn waxyaabaha kasoo baxaya shirka maanta la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha wuxuu sheegay in wax tix gelin ah aan la siinin maamul ahaan,  isagoo sheegay inaan lagu casuumin shirka maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya ee sanadka 2016.

“Waxaan halkaan ka cadeyneynayaa maamulkeena ku yimid rabitaanka shacabka gobalada dhexe, in aan wax qeyb ah ka ahayn shirka Muqdisho ka furmaya, maadaama aanay jirin wax talo, tixgelin aan ku lahayn, waxaan u sheegaynaa shacabkeena inaan ku hageyno wax ay hubaan.” Ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in shacabka ku dhaqan gobolada dhexe uusan saameyn ku yeelan doonin waxyaabaha kasoo baxa shirka looga hadlayo aayaha Soomaaliya ee sanadka 2016, islamarkaana shacabka gobolada dhexe ku hagi doonaan waxay iyaga doonayaan.