Aqri: Wikileaks oo baahiyay sir culus oo Emailka Sheekh Xasan Daahir Aweys laga dhex helay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal sir ah oo ay qortay shabakada WikiLeaks ee caanka ku ah fidinta xogaha ayaa waxaa lagu sheegay in Hogaankii burburay ee Maxaakiimta Islaamiga burburkooda ka hor ay wadeen qorsho ay ku afganbinayeen Maamulada gooni isu taaga ah ee Somaliland iyo Puntland.

Warbixinta shabakada waxaa lagu sheegay in qoraalo sir ah oo uu WikiLeaks ka helay Emailka Xassan Daahir Aweys uu lahaa fakirka qorshaha lagu afganbin lahaa labadaasi Maamul.

Qoraalka ayaa waxaa lagu muujiyay in Xassan Daahir xiligaasi uu dhamaan Hogaamiyayaasha Maxaakiimta u diray qoraalo uu ku amraayay in dhalinyaro abaabulan loo kala diro Gobolada Somaliland iyo Puntland si ay ugu kala biiraan Ciidamada maamuladaasi islamarkaana ay fududeeyaan qaabkii uu ku dhici lahaa afganbinta labadaasi maamul.

Waxaa qoraalka lagu xusay in Xassan Daahir uu ku taamayay in Maamuladaasi ay ku dhex yeeshaan Xubno wasiiro ah kadibna ay ugu baaqan labada maamul inay kusoo biiraan Maxaakiimta, hayeeshee ay arrintu noqotay mid fashil kusoo idlaata.

Qoraal sir ah oo laga helay Emailka uu lahaa Xassan Daahir ayaa cadeyn u ahaa in Maxaakiimta ay xooga ugu badan saareysay inay gacan ku dhinto labadaasi maamul, waxa uuna WikiLeaks hoosta ka xariiqay in qorshahaasi uu fuli lahaa maalmo ka hor inta Ciidamada Ethiopia aysan soo galin Somalia xiligaasi.

“Somaliland iyo Puntland waa in laga furo Maxkamado wakiil u ah Midowga Maxaakiimta, waxa aan ka iibsan karnaa ciidamadooda hubka ay haystaan, waana inaan ka joojino hubka soo galayo maamulada oo ay dowlada Somalia u direyso labada maamul.” waa qeyb kamid ah qoraalka uu Xassan Daahir u kala diray hogaamiyayaashii Maxaakiimta.

Dhanka kale, Fashilka Qorshahaasi ayaa waxaa sabab u noqday degdegii uu sameeyay Yuusuf Indha Cadde ee ahaa in maalinta Ciida ah ay ku dukan doonaan Magaalada Addis ababa, taasi oo dhiirnaan iyo sabab u noqotay in Ethiopia ay soo galaan Somalia, islamarkaana ay cagta mariyaan Maxaakiimta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com