XOG: CCC oo ku fashilmay xil uu nin ay qaraabo yihiin u magacaabay, lagana saaray liiska (Ceeb)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaanahaani uu khilaaf ka taagnaa xil uu Ra’isul wasaare Cumar u magacaabay Mas’uul horay xil uga heyn jiray Maamulka Jubbaland ayaa waxaa haddana soo baxaayo warar dheeraad ah oo arrintaasi ku saabsan.

Mas’uulka loo magacaabay xilka uu muranka ka dhashay oo lagu magacaabo C/qani Cabdi Jaamaca oo ahaa Wasiirkii Madaxtooyada Jubbaland ayaa dib looga qaaday xilka uu Cumar C/rashiid uga magacaabay Gudiga golaha madasha Qaranka.

Xil ka qaadista lagu sameeyay C/qani Cabdi ayaa waxaa soo amray Madaxweyne Xassan kadib markii ay gaaren eedeymo ka dhan ah Ra’isul wasaare Cumar oo la xiriirta nin jecleysi.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa xilka uu iminka ka qaaday C/qani u magacaabay Mas’uul kale oo ay qaraabo hoose yihiin balse kasoo jeeda mid kamid ah Beelaha Hawiye hayeeshee ay iyana socon weyday.

Xilka ayaa waxaa markii danbe loo magacaabay Mas’uul kale oo la sheegay inuu kasoo jeedo Beesha dir/isaaq oo uu keenay Madaxweyne Xassan kaasi oo iminka si rasmi ah ula wareegay xilkaasi.

C/qani Cabdi oo xilkaasi laga hor istaagay ayaa waxaa iminka la soo warinayaa in Cumar C/rashiid uu u raadinaayo xil kale kadib markii uu ku fashilmay Siyaasadii nin jecleysiga aheyd oo uu la daala dhacaayay mudooniykaani danbe.

C/qani Cabdi oo la kulmay mucaarad farabadan ayaa waxaa laga saaray gabi ahaan liiska gudigaasi waxa uuna hadda yahay shaqsi caadi ah oo aan xil u heynin DF Somalia.

Dhanka kale, waxaa muuqaneysa mugdiyo soo kala dhex galaaya Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid, taasi oo salka ku heysa Siyaasadaha Cumar C/rashiid uu ku sara qaadayo Beesha uu kasoo jeedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com