DF Somalia oo Axmed Madobe & Gaas aawgood dhaqan xun kula dhaqantay Shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu goordhow magaalada Muqdisho ka furmi doono shirka wadatashiga, ayaa waxa ay Saraakiisha laamaha amniga Muqdisho amar ku bixiyeen in la xiro dhamaan wadooyinka gala Villa Somalia, kuwa daafaha ka mara iyo wadada gasha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Inta badan wadooyinka ayaa waxaa goordhow lasoo dhoobay Ciidamo aan horay loo arag iyo gaadiid ciidan si ay Ciidamadu uga feejignaadan weeraro ay Maleeshiyadu ku qaado Madasha uu shirka ka furmi doono amaba gaadiidka ay wataan madaxdaasi.

Ciidamadaani lasoo dhoobay wadooyinka ee cadaadinta ku hayo dadka rayidka iyo gaadiidka wadooyinka isticmaalaya ayaa waxa ay Dowladu ku raali galineysaa Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland si aysan ula kulmin caqabad dhanka amaanka ah.

Ujeedka ayaa ah in Labadaasi Hogaamiye aysan DF Somalia ku dhaliilin caqabad ay kala kulmaan wadooyinka Muqdisho amaba aysan ajaafeyn Dowlada waana tan keentay in maanta loo cabiidiyo shacabka Muqdisho oo aan u kalahin goobahooda shaqo.

Sidoo kale, DF Somalia ayaa shacabka u cadaadisay Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood oo iyaguna isticmaalayo wadooyinkaasi kuwaasi oo qeyb ka ah shirka wadatashiga ee goordhow ka furmi doono Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo qorshaha uu yahay in lagu qabto Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa durba Magaalada waxaa laga dareemayaa isbedel dhanka ammaanka ah iyo ciidamada Dowladda oo adkeeyay ammaanka.

Dhanka kale, Madaxda Maamul Goboledyada iyo Madaxda Qaranka ayaa aragtiyo kala duwan isku dhaafsan doono, nooca ay noqon doonto doorashada la filaayo inay dalka Somaliya ka dhacdo, waxa ayna wadooyinka furmi doonaan salaada casir kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com