Puntland oo furitaanka shirka madasha ka hor la soo shartagtay arrin cusub oo caqabad ah (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo goordhow la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in go’aanka Maamulka Puntland uu yahay in DF Somalia ay saxdo qodobada la xiriira Dastuurka iyo Sharciyadda hadii aan wax laga bedelina mowqifkood uu wali yahay ka hor imaanshiyaha shirka wadatashiga ee goordhow ka furmi doona Garoonka Aadan Cadde.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Mowqifka Madaxweyne Gaas uu yahay in shirka wadatashiga uu ka sheego inaan wada-xaajood la gali doonin DF Somalia iyada oo aan wax laga bedelin qaladaadka Dastuurka iyo sharciyada.

Waxa uu sheegay in marka hore ay dusha sare kala socon doonaan mowqifyada dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada kale, balse kooda uu cadyahay islamarkaana uusan laheyn ka laabasho.

Sidoo kale Afhayeenka waxa uu tilmaamay in goor sii horeysay ay Umadda Soomaaliyed iyo Beesha Caalamkuba u sheegen in Mowqifkooda uusan aheyn inay la hadlaan DF inta ay jiraan qaladaadka ay ka tirsanayaan Dowlada balse shirka wadatashiga uusan bedeli doonin 9-kii qodob oo uu tilmaamay inay ahaayeen kuwo ay u arkeen in xal badani ku jiro, sidoo kalena saxi doona kala dambeynta iyo dowladnimada.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Anagu mowqif ayaan qaadanay Xasan Sheekh iyo Beesha caalamka ma bedeli karaan Mowqifkeena. waxa aan shirka la tagi doono waa in la xalliyaa Arrimaha Dastuurka iyo Sharciyadda, horayna waan u sheegnay haddana waan u sheegi donna’’

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Madaxda Puntland aysan shacabkooda usoo qaadi doonin wax aan u cuntameynin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
puntland