Puntland oo sii deysay dadkii laga afduubtay S/L

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray ku dhawaad lix ruux oo la sheegay iney kasoo jeedaan deegaanada maamulka Somaliland kuwaasi oo gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay duleedka degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Maxamuud Yuusuf Ciyoon, gudoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada maamulka Puntland ay ahaayeen dadka soo qabtay ku dhawaad lix ruux oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland.

Gudoomiye Ciyoon, ayaa sheegay in lixda ruux ee lagu qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag ay ahaayeen kuwo Somaliland ay usoo dirtay iney sanaadiiqda codeynta gaarsiiyaan deegaanada Sanaag, oo maamulka Puntland uu ka taliyo, sida uu sheegay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in lasii daayay lixda ruux ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland iyagoo looga digay iney kusoo laabtaan deegaanada maamulka Puntland.

Gobolka Sanaag ayaa kamid ah gobolada ay sida aadka ah ugu murunsan yihiin maamulada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com