FAAH-FAAHIN: Shirka madasha wadatashiga ee furmay iyo qorshaha u qarsan XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho kaga Furmay shirka wadatashiga ee looga arinsanayo hiigsiga sanadka 2016, si doorasho ay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadka soo socdo.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada sida Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta shirka furay.

Markii ugu horeysay shirka waxaa ka qeyb galay gudoomiyaasha gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo dhawaan la doonayo in maamul loo sameeyo, waxaana dhankooda ay fikrad ka  dhiibanayaan qorshaha lagu gaari karo doorashada sanadka 2016.

Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay furitaanka shirka maanta ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay dadaal dheeri ah u gashay sidii shirkaani kaga dhici lahaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Xasan Sheikh, wuxuu ka hadlay mowqifkiisa ku aadan shirka maanta Furmay, wuxuuna si cad u sheegay in dowlada ay dooneyso in dalka ka dhacdo doorasho xalaal ah oo ay ku qanacsan yihiin ummada Soomaaliya.

Muddo badan ayuu sheegay in dalka aysan ka dhicin doorasho dadka dhinacooda ka timid, laakiin markaan ay ka tashanayaan sidii loo gaari lahaa doorasho dadweynaha xagooda ka timaado noocii ay ahaataba.

Waxyaabaha ugu badan ee la doonayo in shirka lagu gorfeeyo ayaa ah qaabka ay noqoneyso soo xulista xubnaha baarlamaanka soo socdo sanadka 2016.

Shirka ayaa muddo labo maalin ah ka soconayo magaalada Muqdisho, waxaana kadib la qorsheynayaa wajiyada xiga halka lagu qaban doono si go’aan cad loosoo saaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com