Dhuusamarreeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu Sunna ee gobalada dhexe ayaa war ay soo saareen ku sheegeen in deegannadooda laga mamnuucay manhajka cusub ee dalka la dhiggo xilligan.
Kulan ay seddaxda golle Ahlu Sunna ku yeesheen magaalada Dhuusamarreeb ayaa looga dhawaaqay in manhajkaas aan laga dhigi Karin deegannada ay maamulaan, waxaana ay sheegeen ciddii lagu arko in tallaabo laga qaadi doono.
Madaxa waxbarashadda Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir oo kulanka ugu horreyn ka hadlay ayaa sheegay in Manhajkaas ay ka buuxaan wax yaabo ka dhan diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in Ahlu Sunna ay isku raacday in la mamnuuco manhajkaas oo ay saareen daladaha waxbarashadda ee ka dhisan dalka.
Sheekh Cabdirisaaq Al Ashcari oo ah guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlu Sunna ayaa isna madaxda dowladda ugu baaqay in la joojiyo manhajka cusub ee ay saareen daladaha waxbarashada dalka, gaar ahaan Dugsiga Sarre iyo Kan dhexe.
Isku duub, go’aankan ka soo baxay Ahlu Sunna waxaan ka jawaabin daladaha waxbarashada ee dalka ka dhisan.
Markii ugu horreysay 21-sanno ayaa daladaha waxbarashada ee dalka ay midoobeen sidaas oo ay tahay haddana waxa ay dhigaan waxyaabo ka baxan Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

