Ahlu-Sunna oo loo geeyey arrin uu dalbaday Qoor Qoor – Maxaay kusoo jawaabeen?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa weli ku adkeysanaya mowqifkiisa ah in Ahlu-Sunna ay kusoo wareejiyaan gacan ku haynta magaalada Guriceel, markaas kadibna uu la furi karo wada-hadal.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa Ahlu-Sunna u tegay guddi u geeyey dalabka Qoor Qoor, kuwaas oo kula kulmay magaalada Guriceel.

Kulanka oo si gaar ah ugu dhaxeeyay wafdi ka socday Galmudug oo shalay gaaray Guriceel, Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca ee qabsaday Guriceel iyo hogaankooda sare ayaa fashil kusoo dhamaaday kadib markii Ahlu-Sunna ay ku gacan seereen in maamulka degmada Guriceel lagu wareejiyo Qoor-Qoor.

Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu-Sunna oo la kulmay wafdiga Galmudug ay ku wargeliyeen in sida ugu dhaqsaha badan iskaga baxaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ahlu-Sunna ayaa ka madax adeygaysa inay si rasmi ah u wareejiso gacan ku haynta magaalada Guriceel, waxayna hogaankooda sheegen in magaalada u furan tahay cidkasta.

Wafdiga oo u badan xildhibaano baarlamaanka Galmudug kasoo galay Ahlu-Sunna ayaa waxay markale maanta isku dayayaan inay la kulmaan madaxda Ahlu-Sunna, si xiisada loogu soo afjaro wada-hadal.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ay wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh, oo ay ku rabaan in dagaal kula wareegan deegaanada ay gacan ku hayntooda la wareegtay Ahlu-Sunna haddii wada-hadalada wax guul ah laga gaari waayo.