Somaliland oo sheegtay in weerar lagu yahay + Sababta

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in weerar lagu yahay, gaar ahaan nabad-gelyada ay haysato, islamarkaana koox argagixiso ah ka xun tahay amaanka ka jira deegaanada Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Warfaafinta, Saleebaan Koore ayaa arrintaas ka sheegay munaasibad xariga looga jarayay Xarun ay Ciidamada Gurmadku ku yeelanayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Waxay carabka ku adkeeyen in dilalka iyo falalka ka dhanka ah amaanka ee muddooyinkii dambe ka dhacayey gobolka Sool ay ka dambeeyan Al-Shabaab iyo dad lamid ah oo ka xun amaanka Somaliland.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen Bulshada ku nool deegaanada gobolka Sool inay amnigooda ka shaqeeyaan, islamarkaana ay kasoo horjeestaan cid kasta oo lidi ku ah amniga magaalada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayey dilal si gaar ah loogu beegsanayay mas’uuliyiin reer Somaliland iyo dad Haldoor ah, kuwaasi oo si weyn isku soo tarayay.

Somaliland oo ku andacooneysa amaan darada Laascaanood soo foodsaartay ayaa dhawaan billowday musaafurinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, si wax looga qabto amaanka gobolka, sida ay sheegtay.