Maxamed bin Salmaan oo iibsaday KOOX ka mid ah horyaalka Premier League

Newcastle (Caasimada Online) – Horyaalka Premier League ayaa ansixiyey in Sacuudi Carabiya ay iibsato kooxda Newcastle United, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ay soo saareen.

“Premier League, Newcastle United Football Club iyo shirkadda St James Holdings Limited waxay maanta heshiis ka gaareen iibsashada kooxda ee PIF (Public Investment Fund),” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Premier League.

Heshiiska ayaa ku kacaya 305 milyan oo pound, wuxuuna hirgalay isla maaanta

PIF waa sanduuqada lacagta dadweynaha ee dowladda Sacuudi Carabiya. Inkasta oo uusan si rasmi ah u magacowneyn, haddana milkiilaha rasmiga ah ee Newcastle ayaa hadda loo arkaa Maxamed Bin Salman maadaama uu yahay ninka ugu awoodda badan dowladda Sacuudiga, islamarkaana sanduuqa PIF uu hoos tago.

Madaxa PIF Yasir Al-Rumayyan ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan noqoo milkiilayaasha cusub ee Newcastle United, oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu caansan England.” 

Heshiiskan ayaa waxa uu hadda kahor burburay 2020 markii Premier League uu ku adkeystay in la kala saaro PIF iyo dowladda Sacuudiga, sidoo kalena Sacuudi Carabiya ay dalkeeda u ogolaato in lagad daawo taleefishinka Qatar ee beIN Sports.

Taageerayaasha kooxda Newcastle ayaa dabbaal-deg ka sameeyey dibadda garoonka St. James Park, ayaga oo ku faraxsan in kooxda laga wareejiyey gacanta milkiile Mike Ashley oo loo arkay nin kooxda la degay oo aan dhaqaale gelin.