Khasaare ka dhashay dagaal dhex-maray ciidamo ka tirsan DF – Maxaa la isku qabtay?

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellda Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi iska horimaad ku dhexmaray laba ciidan oo ka kala tirsan milatariga iyo booliiska Soomaaliya.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhashay muran u saabsan lacagaha laga qaado mid ka mid ah baraha kontorool ee Afgooye, taasi oo labada ciidan ay isku qabteen.

Sida aan xogta ku helnay dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan laba qof, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladda magaalada ay hadda dean tahay.

Sarakiisha dawladda ee Afgooye ayaan ilaa hadda rasmi ahana uga hadlin iska horimaadkaas.

Ciidamada militariga iyo booliska Soomaaliya ayaa marar badan waxaa dhex maray dagaallo ka dhashay lacagta laga qaado baraha kontorool, taasi oo muujineysa in lacagtaas aysan ku dhicin qasnadda dowladda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa laba maalin kahor howlgallo culus ku qaadaayey isbaarooyin la dhigtay deegaanada dhaca inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Abaanduulaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Saalax Yacquub ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya u sheegay in qaar ka mid ah raggii ay isbaarooyinkaas u yaaleen ay gacanta ku dhigeen, qaarna ay weli ku daba jiraan.