Ahlu-Sunna oo shaacisay inay jawaab ka bixineyso bandowga Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa jawaab ka bixin doona “caburinta ay dowladda federaalka ku hayso” magaalada Dhuusomareeb, waxaa sidaas sheegtay mid ka mid ah 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna ugu jirta baarlamanka Galmudug.

Xildhibaan Cibaado ayaa sheegtay maamulka Ahlu-Sunna ay hadda kadib u dulqaadan doonin bandowga dowladda Soomaliya ay ku soo rogtay magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Magaalada ayaa waxaa ku wada sugan Axmed Cabdi Qoor Qoor, oo ah madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo ah madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna.

Xildhibaan Cibaado ayaa sheegtay in magaaladda Dhuusomareeb ay amni aheyd, ka hor inta la geynin ciidamada laga qaaday magaalada Muqdisho ee Haram-cad loo yaqaano, kuwaasi oo magaalada galiyay xaaladd bandow ah.

Waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadday in hoggaanka Ahlu-Sunna ay kulamo ka yeesheen xaaladda taagan, islamarkaana ay go’aan ku gaareen in jawaab laga bixiyo “caburinta ay dowladda Soomaaliya ku hayso” shacabka Dhuusamareeb.

Xildhibaanka ma aysan shaacin nooca jawaabta ay bixin doonaan, hasee yeeshee cabsi xooggan ayaa ka taagan magaalada.

Hoggaamiyaha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud ayaa 13-kii bishan ku dhowaaqay in Ahlu-Sunna ay lasoo baxayaan hubkooda, si ay uga hortagaan “fasaadka” ay dowladda ka waddo magaalada Dhuusomareeb.

Hase yeeshee waxaa muuqata in maamulka iyo awoodda magaalada ay kasii dhamaaneyso gacanta Ahlu-Sunna, ayada oo dhowaan kooxdan lagala wareegay ilihii dhaqaalaha ee magaalada, halkii ay horey u lumiyeen awooddii ciidan.