Xogta safarkii Axmed Shide ee Hargeysa iyo wixii laga yiri ‘safarka’ FARMAAJO

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyada ee Itoobiya, Axmed Shide iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa dhowaan soo gaaray magaalada Hargeysa, kuwaasi oo kulamo la qaatay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Kulamadaasi oo ahaa kuwo albaabadu u xirnaayen ayaa waxa lagaga wada-hadlay Safarka la sheegay in uu Farmaajo ku imanayo magaalada Hargeysa, inkasta oo uusan aheyn ujeedka u weyn ee Axmed Shide ugu safray caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Axmed Shide iyo Wafdigiisi ayaa Somaliland u tagay dar-dar gelinta heshiiskii dekedda Berbera ee Itoobiya ay qeybta ka aheyd, isagoona xukuumada Biixi kala hadlay heshiiskaasi oo ay ku laheyd saami dhan 19% iyo Is-waafajinta canshuuraha iyo jidka Berbera Corridor.

Wasiirka ayaa Madaxweyne Muuse Biixi u sheegay in Dowladda Itoobiya aysan rabin in xiisada Soomaaliya iyo Somaliland ay sii xumaato, balse qorshaha Abiy Ahmed ee safarka Farmaajo ee Hargeysa uu yahay niyad wanaag iyo isku soo dhoweynta labada dhinac.

Safarka Wasiir Axmed Shide ee Hargeysa ayaa ku soo aadaya xili uu soo shaac baxay qorshaha Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee safarka Farmaajo ee magaalada Hargeysa, isla markaana uu Madaxweyne Biixi si qayaxan uga hor-yimid safarkaasi.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Wasiir Shide ay Madaxweyne Biixi isla soo qaadeen qorshaha uu Abiy Axmed ku doonayay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo keeno magaalada Hargeysa.

Wasiir Shide, ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Biixi u sheegay in qorshaha Itoobiya ahaa niyad wanaag, balse aanay uga jeedin cadaadis iyo in xaaladu sii xumaato, waxaanu sheegay inay arkeen dareenka ka dhashay qorshaha Raysal wasaare Abiye.

Inkasta oo xukuumada Somaliland ay si adag uga hor-timid safarka Farmaajo ee Hargeysa, haddana ma cadda in Abiy Ahmed uu ka laabtay qorshihii uu ku rabay in Madaxweyne Farmaajo uu ku geeyo caasimada Somaliland.

Waxa kale oo la rumeysan-yahay in socdaalka Wasiir Shide uu si toos ah ula xiriiro midkii uu dhowaan Abiy Ahmed ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo u daarna arrimo la xiriira heshiiskii dekedda Berbera oo gaabis badan ku yimid muddooyinkii dambe.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xukuumada Muuse Biixi ay ka soo saartay kulamada wafdigaasi, balse waxa sidaasi tibaaxaya xogo aanu ka helayno kulamadii Wasiir Shide iyo Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.