KHILAAF xooggan oo ka taagan hab maamuuska dowladnimo ee Puntland

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan cidda leh awoodda Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland marka ay deegaanadaas ka wada maqan yihiin madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame oo ka hadlay arrintan ayaa madaxweynaha Puntland Deni ku eedeeyay in uu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirka Cadaaladda.

Abuukaate Ismaaciil ayaa ku doodayo in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin, ay tahay in talada lagu celiyo Guddoonka Baarlamanka, maadaama Puntland ku dhisantahay Parliamentary system.

“Puntland waa baarlamanteri haddii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay maqan yihiin waa in talada Baarlamaanka lagu soo celiyaa, sida aan hadda wax ku wadno waa ‘Maamuus ku ciyaarid” ayuu yiri xildhibaan Ismaaciil.

Waxaa hadda dalka dibadiisa ku maqan Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Saciid Deni, ku xigeeniisa Axmed Karaash iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Abwaan Jibriil, waxaana xilka sii haye ka ah Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Cabdiweli Shiikh Xaamud.