Ahlu-Sunna oo shuruudo adag hor-dhigtay Kheyre

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ururka Ahlusunna Waljamaaca ee ku sugan Magaalada ay Shuruudo hor dhigeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Ahlusunna ku wargaliyay in ay soo wareejiyaan Ciidanka si xuquuq ay u siiso dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka mid noqdaan taliska qeybta 21-aad, waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in Galmudug si siman loo qeybsan doono, islamarkaana aysan jiri doonin waxyaabo dheeraad ah oo la siinaayo Ahlusunna lala doonaayo maamul dhameystiran in loo dhiso Galmudug.

Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa intaasi ka dib la sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha hor dhigay in Xildhibaano dheeraad ah laga siiyo maamulka Galmudug, kuwaasoo ka  madax banaan 89 Mudane ee laga soo xulo beelaha Galmudug, in Ciidanka Ahlusunna si gaar ah loo aqoonsado, in xilal ay soo Magacowdaan Sidda Madaxa Xukuumadda, Wasiiro iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, islamarkaana dhammaan doorashooyinka Galmudug lagu qabto Dhuusamareeb.

Wasiir ka tirsan Galmudug islamarkaana ka mid ahaa Wasiiradii ka yimid dhanka Ahlusunna oo ka gaabsaday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa xaqiijiyay Warkaan, waxaana uu sheegay in Dhuusamareeb uu kasoo bidhaamay Khilaaf cusub oo ku aadan habka awood qeybsiga maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in uu yeeray Xildhibaano ku sugnaa Magaalada Cadaado  si ay qeyb uga noqdaan xalinta tabashooyinka maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ahlusunna ay jiraan heshiis hoose oo dowladda dhexe ay la gaartay maalmo ka hor,kuwaasoo aan qaarkood la fulin.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan sheegay in dhammaan uu buray heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug, islamarkaana doorashadda maamulkaasi lagu qaban doono Magaalada Cadaado.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com